arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dowladda Belgium oo Joojisay Mashaariic ay Ku maalgelinayso Iskuulaadka Falastiin

Dowladda Belgium ayaa qorsheyneysa iney joojiso maalgelinta labo mashruuc oo ay ku dhisayso dugisyo deegaanka Falastiin kad dib markii ay u muuqatay in dugsigu loo bixiyay magac haweenay ay u arkaan iney ahayd argagixiso, dadka Falastinyiintuna ay u arkaan iney tahay halyeey.

Wasiirka arrimaha dibadda Belgium Didier Renders ayaa yiri “Dalaal al-Maqribi waa argagaxiso Falastiniyad ah-waa sida uu hadalka u dhigay-waxay hoggaaminaysay weerar sanadkii 1978 oo lagu qaaday Isra’il, kaas oo ay u  geeriyoodeen 38 qof  ayna ka mid ahaayeen 13 caruur ah.”

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay “Belgium marnaba ma ogolaaneyso iney xiriir la yeelato magacyada dadka argagixisada ah, si kasta oo ay ahaataba’. Labada mashruucna waa la hakiyay oo qiimaha ku kacayaa uu gaaray $3.9 milyan oo dollar.

Wasiirka waxbarashada Falastin Sabri Saydim ayaa dhankiisa soo saaray bayaan uu kaga hadlayo sida uu uga xun yahay hab dhaqanka dowladda Belgium, qunsulka guud ee dalkaas u fadhiya Falastiin ayuuna ugu baaqay iney la iskugu yimaaddo shir si arrintaa lagaga wada xaajoodo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close