WararkaWaxbarashada

Madaxa Sare ee UNESCO oo ay Ku loolamayaan Masar iyo Qatar ..Muhiimad Noocee ah Ayuu Leeyahay Xilkaasi

Ururka Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Saynisa iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa la aasaasay 1945, waxa uu dhiirigeliyaa is dhexgalka bulshada dunida ee dhaqamada kala duwan, waxay sare u qaaddaa xoriyadda hadalka iyo tan warbaahinta, waxa ugu muhiimsan ee kasoo baxaa waa ku dhawaaqista goobaha taariikhiga ah ee dunida oo ay aqoonsadaan.

Qof kasta oo ururka madax u noqdaa, waxa uu meel kaga tagayaa maslaxadda gaarka ah ee dalkiisa, waxaana uu u shaqeeyaa dunida oo dhan.

Hadaba, tartanka u dhexeeyay labada murashax ee Masar iyo Qatar ayaa u muuqda mid la siyaasadeynayo oo salka ku haya colaadda Sucuudiga iyo xulufadiisa ay kula jiraan dhanka Qatar oo Masarna sida la ogyahay ay qeyb ka tahay.

Guud ahaan waxaa madaxa ugu sarreeyay ee UNESCO ku tartamaya 3 murashax oo Carab ah Labo gabdhood oo midi Masaari tahay tan kalena ay Lubnaan u dhalatay iyo Qatari hadda isagu ku horreeya doorashada wareegga koowaad ee guddoomiyaha UNESCO. Waxaa kale oo iyagana dhankooda ka tartamaya 4 murashax oo Fitnam, Shiinaha iyo Faransiiska iyo Aderbijaan kasoo kala jeeda.

Wareeggii koowaad  murashaxii dowladda Qatar Xamar binu Cabdil al-Casiis al-Kawari ayaa kaalinta Koowaad galay waxaanuu helay 19 cod, halka hawenayda Masar Mushiira Khidaab  ay gashay kaalinta 3aad iyadoo heshay 11 cod. Tartanka ayaa 4 wareeg ah, markaa kadib ayaa lagu dhawaaqayaa qofka ku guuleysan doona hoggaaminta UNISCO.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close