WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Trump oo Ku Gooddiyay Inuu Tartan Dhanka IQ la Geli Doono Tillerson

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu weli ku kalsoon yahay wasiirkiisa arrimaha dibadda Tillerson, isla markaana  tilmaamay inuu ka caqli badan yahay, diyaar u yahay inuu la galo tartan dhanka IQ oo labadooda caqligooda lagu muusaamayo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxay aad u hadal haysay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson oo uu Danald Trump ku tilmaamay inuu yahay ‘Donoqon’.

Kulan ay si weyn u hadal haysay warbaahinta Mareykanka ayaa waxa uu dhex maray madaxwayne Trump iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda  Tillerson. Trump joornaalka Forbes la hadlay kulanka kadib ayaa usheegay “Waan idiin sheegi karaa qofka guuleysanaya.”, mar uu kula kaftamay wasiirkiisa arrimaha dibadda in lageli doono tartan dhanka imtixaanka IQ oo uu sheegay inuu isagu mar kasta ka guuleysanayo, waa haddii ay dhab noqoto in wasiirku uu arrintaa yiri.

Si kastaba, afheyeen u hadlay wasiirka arrimaha dibadda Tillerson ayaa beeniyay hadalkaa isagoona tilmaamay inaan sida loo dhigayo  wax u jirin, cidna aanuu dooneyn inuu sharafteeda hoos u dhigo cidda ay doontaba ha ahaatee.

Maandeeq FM

Related Articles

Close