TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Microsoft oo Ku Dhawaaqday Si Rasmi ah Dhammaadka Mobillada Windows ku Shaqeeya

Joe Belfiore oo ah ku xigeenka qeybta barnaamijyada shirkadda Microsoft oo dhowr farrimo oo kala duwan soo dhigtay barteeda Twitter ka ayaa sheegtay inaaney marna dib dambe u cusbooneysiin doonin barnaamijyada mobillada ku shaqeeya Window10, waxayna sheegtay in shirkaddu gabi ahaanba joojin doonto soo saarista mobillada ku shaqeeya window gabi ahaanba.

Arrintan ayaa waxaa aad uga xumaaday dadka adeegsada mobillada Smartphone ka ah ee ku shaqeeya nidaamka Window.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadka hadda adeegsada nidaamka window 10 ay muddo sanad ah oo dambe sii isticamaali karaan, laakii wixii intaa ka dambeeya ay shirkaddu si toos ah u joojindoonto adeegyada mobillada windows ku shaqeeyo.

Shirkadda Microsoft waxay aragtay in nidaamka windowga ay ka awood badiyeen Android iyo iOS, sidaa darteed waxay dooneysaa iney barnaamij kale oo ay kula tartanto ay suuqyada soo geliso dhawaan.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close