WararkaWaxbarashada

Su’aal Wareerisay Caqliga Culumada Muddo Dheer.. Muxuu Aadanahu u Noolyahay da’da 50 Jirka Kadib?

Sida ay culumadu leeyihiin aadanaha waxay kasii wanaagsanaan lahaayeen sida ay hadda yihiin dadka waayeelka ah  la’aantooda.

Sheegayashdaa culumada qaar ay aaminsan yihiin ayaa qeyb ka ahayd daraasad natiijadeeda la soo saaray oo oraneysa mudada ka dambeysa 50 jirta wax hadaf ah oo goonni ah oo aadanuhu u sii noolyahay ma jirto, waana sida lagu daabacay jariidada Daily Mail ee kasoo baxda dalka Ingiriiska.

Daraasaddan cusub ayaa shaki gelinaysa ‘fursadda awowga”, taas oo sheegaysa inuu aadanuhu wakhti dheeraad ah sii noolaanayo kadib marka uu arko dhashiisii ay sii taranto Iyo in dadka da’da weyn laga dhaxlayo aqoon, waayo aragnimo muhiim ah oo jiritaanka aadanaha sii xoojisa.

Daahraggan cusub ayaa lagu ogaaday in weli jiritaanka aadanaha ee 50 jirka kadib ay tahay mid hal-xiraale ah oo aan fasiraad dheeraad ah loo haynin.

Dr. Jocob Murad oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh kulliyadda Biological Sciences  ayaa yiri: “Culumadu waxay ku wareereen muddo sanado ah sababta aadanuhu ku sii  jiro da’da Kontonka kadib.”

Si kastaba, daraasaddan ayaan weli lagu ogaan sababta uu aadanuhu u sii jiro wax ka dambeeyay da’da Kontonaad kadib, iyadoo ulajeedada cilmibaaristu tahay in la helo sababta cimriga aadanaha kordhisa, taas oo haddii la helo ay suurtogaleyso in arrimo badan oo kale ay suurtogalaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close