WararkaWaxbarashada

Teknoolajidda Maxay u Yeelan Weyday Nobel Prize..25 Qof oo Mutaystay In Abaalmarinta La Siiyo

Dr. Argus Hervey oo ah suxufi, dhaqaalle-yahan iyo qoraa wax ka qora teknoolojiyada ayaa waxuu wax-laga xumaado ku tilmaamay in dadka teknoolojiyadda wax kusoo kordhiya aaney kamid ahayn dadka sanad walba la guddoonsiiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Noble Prize-ka.

Maqaal dheer oo uu Dr. Hervey ku qoray warbaahinta Quartz ayaa waxa uu ku doodayaa in maanta la joogo xilliga teknoolojiyada, sidaa darteedna ay wax badan fududeysay, waxuu xusay in ku dhawaad 4 Bilyan oo dadweynaha dunida ah ay maanta internet-ka isticmaalaan, waxuuna ku doodayaa in teknoolojiyada maanta ay fududeysay in laba qof oo qaaradaha ku kala nool ay daqiiqad gudaheed ku wada hadlaan.

Dr. Argus waxa uu xusay 25 qof oo ku guuleysan lahaa abaalmarinta Noble Prize ee Teknoolojiyada haddii la bixin lahaa.

Hadaba waa kuwan liiska 25-ka qof iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen tiknoolojiyada iyo sanadahii ay ku guuleysan lahaayeen abaalmarintaaas:

Magaca Sanadka Ikhtiraaca
Wills Carrier 1902 Mukeyf
Wilbur &  Orville Wright 1903 Diyaarad
Alva J Fisher 1908 Qasaalad
Henry Ford 1909 Hab-warshadeyn talantaalli ah*
Thomas E. Murray 1910 Koronto qeybiye/keydiye
Fred Wolf 1913 Farenjeer
John Logie Baird 1928 Telefeshin
Thomas Carroll 1937 Qalab iswada oo beeraha bisil jara
Katherine Blodgett 1938 Muraayad aan ilesyka soo celineyn
Grace Hopper 1950 Luqada computerka lagu programiyo
Daryl Chapin, Calvin Fuller, & Gerald Pearson 1954 Solar
Frank Rosenblatt 1958 Shabakad neural oo gacan ku sameys ah
Robert H. Goddard 1961 Dayax-gacmeen
Malcom McLean 1964 Konteenarka wax lagu xamaalo
Stephanie Kwolek 1965 Dharka xabadda & waxyaalaha adag celiya
Ray Tomlinson 1972 Email
Marty Cooper 1973 Taleefonada gacanka
Roger Easton, Ivan Getting & Bradford Parkinson 1974 GPS
Raymond Vahan Damadian 1977 Computerka maskaxda MRI
Stanley Whittingham & John Goodenough 1980 Bateriga Lithium-ion
Tim Berners Lee 1991 World wide web / website
Steve Jobs 2007 iPhone
Qof aan la garaneyn (Satoshi Nakamoto) 2008 Bitcoin
Tsutomu Miyasaka, Nam-Gyu Park & Henry Snaith 2009 Qalab muhiim u ah soolarka cadceedda
Jennifer Doudna & Emmanuelle Charpentier 2012 Hidasidaha bakteeriyada

 

Hadaba, Abaalmarinta Nobel Prize waxay kaa dhigeysaa qof caan ah isla markaana milyaneer ah; waa tan ugu caansan ee dunida laga bixiyo, dad badan oo aan la garaneyn ayay ka dhigtay dad caan ah oo dadbadan oo dunida ah ay yaqaanaan, iyadoo ay sharaf u soo jiida dadka ay isku waddanka yihiin ee hay’adda waxbarasho oo ay ka tirsan yihin intaba, sidaa darteed Akadeemiyada bixisa abaalmarinta Nobel Prize jadwalkeeda kuma aaney soo darin Teknoolajiyadda.

Xigasho: Goobjoog Business oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM

 

 Maandeeq FM

Related Articles

Close