WararkaWaxbarashada

Richard H. Thaler oo Isbedel Mug leh Ku Sameeyay Aragtiyadii Dhaqaale ee Dunida.. Fikraddiisa Cusubi Maxay Tahay?

Abaalmarinta Nobel Prize-ka dhaqaalaha adduunka waxaa sanadkan ku guuleystay Richard H. Thaler oo ka tirasan Chicago University, caalimkan ayaa fikrado cusub kusoo kordhiyay dhaqaalaha dunida oo mabaadi’diisii hore ee dhanka go’aan qaarista dhaqaale isbedel mug leh ku sameeyay.

Khabiir dhanka dhaqaalaha ah oo 72 jir ah, waxa uu ku takhasusay dhaqaalaha la xiriira hab dhaqanaka aadanaha “Behavioral Economics“, Caadi ahaan aragtiyada dhaqaalaha ayaa aaminsanaa in aadanuhu uu u dhaqmo hab maangal ah oo caqli ah xilliga uu qaadanayo go’aannada dhaqaalaha la xiriira, laakiin Richard waxa uu taa bedelkeeda aaminsan yahay in aadanuhu aanuu mar kasta ahayn qof anaani ah laakiin uu aadanaha kale u danaaniyo xilliyada qaar, go’aannada waxaa lagu qaataa xiriir ka dhaxeeya cilmiga dhaqaalaha iyo cilmi-nafsiga oo ah xaaladda uu ku sugan yahay qofka go’aanka qaadanaya oo marwalba iyadu xukunta go’aanka uu gaarayo.

Mabaadi’da Richard si aad u xakameyso caqliga

-1 Xilliyada ay dhibaatadu jirto adigoo mustaqbalka si wanaagsan u eegaya si xad dhaaf ah wax ha u daysan.

-2 Noqo qof dabacsan, marka loo baahadana dhex dhuuqsi yeelo oo kharashaadkaaga yaree.

-3 Wax meel dhigo, adigoon naftaada ku bakhaylin.

-4 Mashruucaad aad maalgelinayso ha noqod mid hubaal ah oo natiijadiisa laga sii baaraandagay.

Talooyinka uu dowladaha u soo jeediyay

Inta dadka lagu ganaaxi lahaa qashinka ay soo dhigaan waddooyinka halloo badiyo sallado ay qashinka ku shubaan waddooyinka dhinacyadooda.

Gawaadhida raaxada intii la yareyn lahaa, taa bedelkiida ha la sameeyo waddooyin baaskiiladaha u gaar ah oo ay dadku la maraan.

Caymiska caafimaad inta la iska dhaafo taa bedelkeeda cuntoyin caafimaad oo raqiis ah dadka halaga iibiyo.

Richard waxa uu kula talinayaa xukuumadaha intii ay amarro duldhigi lahaayeen muwaadinta taa bedelkiida ha abuuraan fursado wanaagsan oo ay kaga maarmi karaan waxyaabaha qaar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close