arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hawenay Turki ah oo Subax Kusoo Toostay Iyadoo Ku Hadlaysa Luqadda Ruushka!

Waxaa jira sheekooyin badna oo ka warramaya dad shil ku dhacay oo xalaad coma ah galay kadib markii ay soo baraarugeenna is arkay iyagoo ku hadlaya luqad kale oo aan ahayn tii hooyo ee ay u dhasheen.

Dhacdadan oo dhakhaatiirtu aaney u hayn wax fasiraad ah ayaa hawenay u dhalatay dalka Turkiga oo 27 jir ah oo muddo coma ku jirtay ay ku soo kacday iyadoo ku hadleysa luqadda Ruushka si weliba aad u wanaagsan, hawenaydan ayaa horey luqadaas waxba uga baran aqoon kale aan u lahayn.

Khadija Tatlier oo ah hawenay ay u furan tahay xarun dumarka lagu qurxiyo ayaa 4 bilood ka hor la dhigay isbitaalka iyadoo shir waddo kusoo dhaawacantay, markii ay isbitaalka ku jirtay muddo 10 cisho ah ayay coma dhameystiran ku jirtay oo ay miyir-daboolneyd, marka ay isbitaalka kasoo baxday oo ay muddo joogtay ay subax kusoo toostay iyadoo ku hadleysa luqadda Ruushka weliba si wanaagsan.

Khadija ayaa warabaahinta u sheegtay “Markaan koomaha kasoo kacay waxaan dareemay iney jiraan wax aan caadi ahayn, laakiin ma aanan fileyn in isbedelku ka jiro dhanka luqadeyda, kadib waxaan arkay inaan ku hadlayo luqadda Ruushka.”

Si kastaba, dhacadan ayaan ahayn markii ugu horreysay,  sanadkii hore 2016  wiil dhalinyaro ah oo Robin la yiraahdo da’diisuna ay  16 jir tahay  ayaa sidan oo kale ku dhacday,  mar uu shil galay ayaa la arkay isagoo ku hadlay luqadda Spanish-ka si heersare ah Ingiriiska oo uu u dhashayna uu gabaabsi ku noqday, laakiin muddo kadib ayuu awooddii luqadiisa hooso soo ceshaday halka luqaddii cusbeyd ee Spanish-ka ahaydna ay gabaabsi ku sii noqotay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close