CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Yurub: Wasakhowga-hawada oo ah Sababta Ugu Badan ee Keenta Geerida Xilli Hore ah

Wasakhowga-hawada ayaa ah sababta ugu badan ee keenta geerida degdegga ah, iyadoo in ka badan 500 kun oo qof ay u dhintaan sanadkii qaaradda Yurub. Iyadoo ay jirto xoogaa kasoo reyn ah oo wadama qaar laga soo sheegayo waana, sida ay sheegayso wakaaladda Deegaanka Yurub oo warbixinteedii sanad laha ahaa soo saartay.

Hans Bronieks  oo ah maamulaha wakaaladda deegaanka Yurub oo xanuteedu tahay Copenhagen “Waxaa yididiilo leh inaan aragno in badan oo ka mid ah xukuumadaha Yurub, gaar ahaan magaalooyinka ay ku dayasho wanaagsan u noqonayaa dhanka ilaalinta caafimaadka qofka iyagoo nooca wada hagaajinaya.”

Hawo-wasakhowga ayaa ah sababta ugu caansan ee Yurub cimri-degdegga keenta ama dhimashada xilliga hore.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 428 kun oo dhimasho xilli hore ah oo ka tirsan 520400 oo la diiwaangeliyay ay ahaayeen geeri xilli hore ah, iyadoo warbixinta laga sameeyay 41 dowladood oo Yurub ah, hawo-wasakhowga ay u dhinteen sanadkii 2014, haka sanadkii ka horreeyay ay tiradu ahayd 550 kun 2013.

Carmine Villa oo ka ah u qeybsanaha Yurub ee arrimaha deegaanka ayaa yiri: “Waxaa naga go’an inaan mushkiladdan maareynno, dowladaha xubnaha ahna aan ku garab siinno iney ay noqoto hawada ay muwaadiniintu helayaan mid nadiif ah oo heerkii laga rabay ah.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close