WararkaWaxbarashada

Holland oo Ku Guuleysatay Tartanka Tamarta Qoraxda ee Australia Markeedii Todobaad

Netherlands ayaa ku guuleystay Khamiistan maanata ah tartanka heerka caalami ee adeegsiga tamarta qorraxda, kadib markii gaari ku shaqeeya tamarta qorrxda ee Delft University of Technology uu ku guuleystay tartan 37 saacadood oo xiriir ah ka socday gudaha Australia.

Tartanka ayaa sanadkan la soo bilaabay October 8, 2017, waxaa ku tartamaysay 42 baabuur oo ku shaqeyanaya tamarta qorraxda oo ka kala yimid 40 dowladood oo dunida ka tirsan, xadka uu gawaadhidaasi ay soconayaan waa laga soo bilaabo buuraaleyda Waqooyiga Australia illaa laga soo gaaro xeebaha koonfurta, tartan adag oo la jarayo masaafo dhan 3,000KM deegaanno cidlo ah.

Dadka tartanka waday ayaa sheegay in kooxda Nuan Solar ee ka tirsan jaamacadda Delft University of Technology ee Netherlands uu gaarigoodu socday 37 saacadood, toboan daqiiqo iyo 41 ilbiriqsi. halka Mareykanku ay galeen kaalinta 2aad.

Jaamacadda Tokai University ee dalka Japan ayaa sameysay xawaarihii ugu sarreeyay ee tartanka loogu guuleysto sanadkii 2009, markaas oo gaarigii ay ku taramayasay jaamacaddu uu tartanka ku dhameysatay wakhti dhan 29 saacadood iyo 49 daqiiqo.

Nidaamiyeyaasha tartanka oo labadii sanaba mar la qabto ayaa sheegaya in tartanku uu soo jiitay sanadkan kooxo ka kala socday 40 dowladood oo dunida daafaheeda ka kala yimid.

Maandeeq FM

Related Articles

Close