WararkaWaxbarashada

Sidee Baad Ku Ogaan Kartaa Si Dhab ah Dareenka Dadka Kale? Daraasad Cusub

Haddii aad dooneyso inaad ogaato waxa ay dadka kale kaa aaminsan yihiin, waxaad sameysaa oo qura indhahaaga oo kali xir oo dhagahaaga si wanaagsan u adeegso.

Daraasad cusub ee lasoo saaray ayaa tilmaamaysa in dareenka dadka kale loogu dhaw yahay inaad akhriso marka aad dhageysato ee maaha marka aad aragto ama aad wajigiisa oo kaliya eegto.

Cilmibaaryaasha daraasaddan sameeyay ayaa sheegay iney natiijada ay gaareen ay wax weyn ka tari karto fahamka dareenka dadka isku goob ka wada shaqeeya iyo xiriirka dadka guud ahaan.

Culumo ka tirsan jaamacadda Yale Connecticut  University ee cilmibaaristan wadday ayaa sheegtay in codka lagu kala saari karo dareenka dadka kale oo aad ka ogaan karto waxa ay kaa aaminsan yihiin.

Dr Mechael Crosse oo  daraasaddan hoggaaminayay ayaa yiri “Dadku inta badan si wanaagsan uma saadaalin karaan dareenka dadka kale, cilmibaaristeennu waxay tilmaamaysaa in codka, muuqaalka guud iyo wejiga oo isla wada eegaa aaney ahayn istiraatiijiydada ugu wanaagsan ee laga ogaan kario dareenka dadka kale iyo wax ay kaa aaminsan yihiin.”

Cilmibaaryaasha ayaa waxay sameeyeen 5 tijaabo oo kala duwan oo ay ka qeybgaleen 1800(kun iyo sideed boqol) oo qof. Waxay arkeen marka dadka wax la dhageysiiyo oo ay si wanaagsan wax u dhuuxaan in dareenkoodu uu kasoo jeedo xilli kasta waxna  kala saari ogyihiin.

Sidaa darteed, Dr Mechael waxa uu leeyahay waxaa noosoo baxday in codka oo si wanaagsan loo dhuuxaa ay dadka ku riixayso iney si wanaagsan u fahmaan wax dadka kale ka aamisan yihiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close