WararkaWaxbarashada

Warabaahinta Sweden oo 3 Dhalinyaro oo Muslimiin ah Ku Tilmaamay Iney Yihiin Halyeeyo

Saddex dhalinyaro ah oo Muslimiin ah ayaa isku bedelay halyeeyo warbaahinta Sweden ay si aad ah u hadal hayso kadib markii ay tuug ka badbaadiyeen haweeney Swedish ah oo uu lacag ka xaday.

Haweenaydan ayaa tuugu xaday boors ay lacag ku wadatay waana Suzanne Skglul’s  oo 53 jir ah isla markaana daggan magaalada Helsingborg, arrintaas oo dhalisay in saddexdaa dhalinyarada ah oo muhaajiriin ah ay tuuggii iyo haweenaydii soo kala dhex galaan isla markaana ay haweenaydii ka badbaadiyeen gacanta tuugga. Saddexdan dhalinyarada ah ayaa la kala yiraahdaa Xasan al-Mali oo 18 jir ah, Maxamed Kardiya oo 17 jir ah, Yusuf Xamiid oo 20 jir ah.

Haweenaydan ayaa boggeeda bulshada ku soo qortay in markii ay lacagta kala soo baxday bankiga uu tuuggu soo eegtay oo ka xaday boorsadii lacagta, waxay sheegtay iney aad u qalisay kadib markii ay aragtay in la xaday “tuugga qabta”, saddexdan dhalinyarada ah ayaa tuugii ka daba cararay isla markaana soo qabtay.

Waxay intaa sii raacisay “Tuugii ayay sidii libaaxii ugu boodeen, way qabteen, boorsadaydii way ii soo celiyeen, waa Xasan, Maxamed iyo Yusuf, waa geesiyaalkeyga.”

Muhaajiriinta Muslimiinta ah ee Yurub ayaa la kulma dhibaatooyin farabadan, iyadoo ay adag tahay in warar sidan oo kale ah oo wanaagsan laga fidiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close