WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya oo 500 Macallin Howlgelinaysa Sanad-Dugsiyeedka 2018/2019

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo maallinimadii shalay booqday goobo badan oo ay wax ku bartaan naafada iyo danyarta muqdisho ayaa sheegay iney qorsheynayaa in 500(shan boqo) oo macallin lagu soo daro miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo aaddan.

Wasiirka oo xarumihii uu booqday ay ku jireen Xarunta agoonta ee Gabdhaha degmada Bondheere, iskuulka agoonta ee lagu magacaaabo Benaadir, iskuulka Yaasiin Cismaan, iyo iskuulka Indhoolayaasha al-Bashiir ee degamada Waaberi.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dadka aragga naafada ka ah ay iskuul weyn u dhisayaan, isgoo dhanka kale sheegay iney 500 oo macallin ay dhawaan miisaaniyadda dowladda ku darayaan:

“Waxaan ugu bishaareynayaa iskuulka Al-Bashiir in sanadkan uu qorshaha inoogu jiro inaan dhisno iskuul loogu talogalay dadka naafada ah, gaar ahaan dadka indhaha la’ ay wax ku baran doonaan. Waxaa kale oo qorshaha noogu jira sanadkan, haddii Alle yiraahdo, in 500 oo macallin aan rabno inaan kusoo darno bajadka dowladda iyadoo macallimiintaasi ay noqdaan gobolka banaadir oo kaliya aan ahayn ee gobollada kale ee dalka oo sidii la arki jira macallin aan meel kasta geynkarno.”

Si kastaba, Maallimadii shalay oo ku beegnayd maalintii gabdhaha ayaa si aad ah dunida looga hadal hayay waxbarashada gabadhaha, iyadoo wasiir C/raxamaan uu sheegay in booqashadiisu ay ku aadaneyn munaasabaddaa isagoona tilmaamay inuu hadiyado gaar ah u geegayay iskuulka gabadhaha agoonta ee boondheere.

Maandeeq FM

Related Articles

Close