WacyigelinWararkaWaxbarashada

6 Waddo oo Kuu Suurtogelinaysa Inaad Waxwalba Meel Hoose Ka Bilowdo.. Markaad Tiigsaneyso Meelsare

Cidna kama qorsoona iney nolosha ka buuxaan dhacdooyin kala duwan oo qaarkood ay murugo keenaan halka kuwa kalena ay farxad ina siiyaan, qaarkood waxay inoo keenayaa walwal, halka dhacdooyin kalena ay inu keenaan quus.

Habka dhacdooyinkaa loola mucaamilo waxay ku xiran tahay dabeecadda qofka, markasta waxaa taagan fursad ay waxwalba meel hoose uga bilaabi karto wixii hore u dhacayna aad ku illoobi karto, sidaa darteed mar kasta in dhacdooyinkii murugada lahaa ina soo maray ay nolosheenna hantiyaan oo marwalba aan xasuusnaanno maaha, waxaa inoo wanaagsan inaan mustaqbalka ku eegno yididiilo iyo wanaag filsho, maxaa yeelo muddo kadib isagaa noqonaya waxaan xasuusnaanno nolosheenana saameynta ku yeelsha.

Hadaba, sidee bay ku suurtogelaysaa inaad waxwalba hoos kasoo bilownno si aad nolol ifaysa ku abuurno

1  .Ku dhaqan maahamaahada “Wixii tagay tiigsimaad ma laha”

Wixii tagay way tageen soo noqosho maha, waxaa loo baahan yahay oo qura inaad ku cibro qaadato oo aad noloshaada cusub ku dhisto khibradahaagii hore wax kasta oo aad ku khasaartayna ka leexo.

2  .Markasta wax wanagsan filo

Yididiilo iyo niyad samaan ka dhigo iftiinka noloshaada, maxaayeelay, “naxariista Rabbi waxaa ka quusta qof nasiib xun oo qura”, markasta wanaag filo ogow dhibaato kasta oo aan dhabarka kaa jabin iney ku adkaynayso  wax lasoo dhaafayna ay tahay.

3  .Weligaa ha quusan

Si kasta oo aad u fashilanto weligaa ha quusan, markasta ogow waxaa jirta fursad labaad oo aad ku kabsan karto, wax kasta oo aad horey u dhisatay dib waad u yegleeli kartaa, adduunka ma jirto qof guuleystay oo aan soo marin tijaabooyin badan oo fashilma.

4  .Yoolkaaga noloshu ha kuu cadaado

Qofna guul hadaf la’aan ah iskama gaaro, fowdana waxba kuuma suurtagelinayso, sameyso hadafka aad dooneyso inaad noloshaada ka gaarto, ha isku dayin inaad wax isku khaladdo ama aad isku daydo inaad waxyaabo badan marqura aad wada xaqiijiso, hana ku mashquulin waxyaabaha yaryar ee horumarka noloshaada kaa hor istaagaya.

5  .Kalinimada iska ilaali haddii aaney dani kugu khasbayn

Inaad kaligaa fariisato markasta waxay kuu keenaysaa niyad jab, waxaa kale oo laga dhaxlaa afkaaro aan wanaagsaneyn iyo shaydaanka oo kalinimada kaa dhex u gaarsada. Inta aad saaxiibbo wanaagsan heli karto kalinimada iska ilaali. Haddiise shaqada aad hayso ay kalinimo ku habboon tahay, haka baqan.

6  .Saaxiib ka dhigo dadka marka aad la joogto qalbigu kuu dagayo

Sameyso wakhti aad kula kulanto saaxiibadaada wanaagsan, xasuusnow mab’da guud ‘marna wakhtigaaga ha dayicin’, saaxiibadaada wanaagsan waxaad ka helaysaa dhiirigelin, waxay kugu gabar siinayaan xaqiijinta hadafkaaga weyn ee nolosha.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close