arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bandhig-carweed Lagu Dhiirigelinayo Dhaqanka iyo Farshaxanka oo Muqdisho Ka Furmay

Magaalada Muqdisho ayaa laga daahfuray bandhig carweedka dhaqanka iyo farshaxanka oo loogu talogalay in lagu dhiirigeliyo dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.

Daahfurka bandhigga ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cali Maxamed, guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaahi Cabdillaahi, wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Xildhibaanno iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo  lagu casuumay bandhigga.

Bandhigga oo si gaar ah ay farashaxankooda kusoo bandhigayeen haweenka caasimaadda ayaa ahaa mid lagu dhiirigelinayo farshaxanka iyo dhaqanka oo ah waxa ay bulsho kasta oo dunida ah ilaashato kuna faanto.

Sida aan kasoo xigannay wakaaladda Wararka SONNA Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya kaga tilmaaneyd dadyowga dunida intiisa kale.

 

 

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close