WararkaWaxbarashada

Cilmibaaris Cusub oo Ka hadleysa Sababta Ugu Badan ee Caruurta Wax Akhriska Ku Adkaysa

Jariidada la yiraahdo Daily Telegraph ayaa dhawaan daabacday daraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Coventry ee UK, taas oo sheegaysa in dhibaatooyinka dhanka maqalka ah ee soo wajaha caruurta ay tahay sababta ugu badan ee akhriska ku adkeysa caruurta.

Daraasadda ayaa lagu sheegay in afarmeelood oo meel ardayda akhriska iyo higgaadu ku culus tahay ay yihiin kuwo ay hayaan dhibaatooyin caafimaad oo dhanka dhagacaha oo ehelka iyo macallimiintuba aaney si sahlan ku fahmi karin xaaladda haysata ilmahaa yar.

Sida ay culumadan cilmibaarista sameysa ay sheegayaan dhibaatooyinka dhanka maqalka ah ayaa ah  sababta ugu culus ee caruurta waxbarashada  ku adkaadaan.

Gabadha cilmibaaraha ah ee Helen Pridemore ayaa tilmaantay in caruurta dhanka caabuqa dhagaha uu hayaa ay inta badan ku adag tahay iney cododka kala duwan fahmaan, waana arrin muhiim ah in ilmaha yar xilligiisa hore ee waxbarashada uu si wanaagsan uu u fahmo waxa uu macallinkiisa uu u sheegayo, haddii kale waxbarashadii way ku adkaaneysaa.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close