JaamacadahaWararkaWaxbarashada

6-da Tallaabo ee Lagama Maarmaanka u ah Xulashada Buugaagta Ugu Habboon

Sideed ku dooran kartaa buugga kugu habboon ee aadan marnaba akhriskiisa ka baadeyn, xilli kastana aad joogteynayso, waa su’aal in badan maskaxdooda kusoo noqnoqta, maadama ay jecelyihiin iney wax akhriyaan hadana aaney u suurtagaleyn buugaagta ay soo iibsadaan iney si wanaagsan u dhameeyaan.

Hadaba, si aan uga jawaabno su’aashaa waxaan idiin soo gudbineynaa tallaabooyinka ugu muhiimsan ee laga maarmaanka u ah si aad ugu guuleysto akhrinta ugu waaagsan.

Lixda Tallaabood ee Lagu Xusho Buugga Kugu Habboon ee aad xiisaynayso:

1  .Marka hore xulo Category, nooca buugaagta aad jeceshahay

Buugaagta suuqyada laga helaa aad ayay u farabadan yihiin, waxaa jira buugaag hor-u-marinta ah, buugaag sheekooyinka ka hadla, kuwo kale oo cilmiga ka warama, markaa adiga ayay kugu xiran tahay, xulo nooca buugaagta aad daneynayso.

2  .La tashi samee

Recommendations-ka iyo talooyinka dadka kale aad waydiisaa waxay lagama maarmaan u tahay guulo aad wax akhriska ka gaaro, maadada aad xulatay buugaagta aad jeceshahay dhinaca uu doonaba ha ahaadeed, raadi goobta aad joogto dadka lagu yaqaanno mowduucaasi, waydii buugaagta ugu wanaagsan ee muhiimka ah, markaa talooyinka uu ku siiyaan raac, haddii aad waydo cid kale, google waydii isaga ayaad ka helaysaa talooyinka ugu wanaagsan ee nooca buugaagta aad daneynayso.

3  .Dib u eegis ku samee buugga aad akhrineyso

Dib u eegistan aad sameynayso waa inaad wax ka ogaato ra’iyiga dadkii horey buugga u akhristay, waxyaabihii ugu fiicnaa ee ay ka heleen, meelaha ugu wanaagsan ee Reviews-ga laga helo waxaa ka mid ah website-ka Goodreads.com, oo aad ka helayso ra’yiga ugu wanaagsan ee buug kasta oo aad dooneyso inaad akhriso ama iibsato.

4  . Tusmada(Content) buugga eeg

Waxaa jira canaawiin inta badan soo jiidasho leh oo buug kasta loo sameeyo, qaarkoodna ay kala duwan yihiin cinwaanka iyo waxa gudaha ku jiraa, sidaa darteed si wanaagsan u eeg tusamda, waxaa kaaga baxaya qiimaha buuggu leeyahay.

5  .Eeg Jaldiga sare ee buugga

Inta badan cover-ka buugga dhabarkiisa sare waxaa ku qoran erayo gaagaaban oo qiimo leh oo xul ah buugana mararka qaar soo koobaya qiimihiisa adigoo ka heli kara, macaluumaad muhiim ah oo qoraalka gudaha buugga ku saabsan.

6  . Akhri Cutubka (Chapter) koowaad ee buugga

Haddii aad akhriso cutubka kowaad waxaad ka helaysaa saddex macmuulaad oo muhiim ah: Fikradda guud ee buugga loo qoray; hab-qoraalka buugga; farta buugga lagu quray ma tahay mid aad ku raaxaysanayso. Waxaad ogaataa in 45% dadka buugaagta akhrista ay wada dhameystaan buugga, waana sida lagu sheegay daraasada ay soo saartay jaamacadda Harvard. taa macneheedu maaha inaad buugga kala bar uga tagto, laakiin waa inaad ogaato muhiimaddu iney tahay inaad wax akhriso inta ay doontaba ha le’ekaatee.

Ugu dambeyn, ogow; ‘Sida loo kala akhris badan yahay ayaa loo kala aqoon badan yahay’, ‘haddii aad dooneyso inaad meelsare tiigsato xidiga meel ka sokeysa ha ku qancin’ waa oraahdii Imaam al-Shaafici, qofka doonaya inuu asaaggii wax dheeraado howl  qabyo kagama dhaqaaqo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close