arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Carabta oo Isku Aqoonsaday Haggaanka Sare ee UNESCO

Audrey Azoulay  oo kasoo jeedda dalka Fransiiska ayaa ku guuleystay madaxweynaha UNESCO Jimcihii shalay tartan 5 wareeg ah oo illaa halka ugu dambeysa la isla gaaray, waxay heshay 30 cod, halka 28 cod uu helay wasiirkii hore ee dhaqanka Qatar Hamad al-Kuwari.

Azoulay ayaa tartan kala reeb ah la gashay oo kasoo adkaatay hawenaydii u sharraxneyd dalka Masar oo hashay 25 cod halka Azoulay-na ay heshay 31 cod.

Waxaa hubaal ahayd haddii codka meel la iskugu geyn lahaa in murashax carbeed uu ku guuleysan lahaa hoggaanka ugu sarreeya ee  UNESCO, warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in dowladda Masar ay codkeedi u leexisay dhanka Azoulay, iyadoo dabaaldag laga dareemayo saxaafadda Masar oo ka cabsi qabay inuu ku guuleysto murashaxa Qatar oo tartankii intiisii badnaa hoggaaminayay.

Si kastaba, dhibaatada dowaladaha Khaliijka ka dhex jirta ayaa saameyn taban ku yeelatay dhinaca tartankii ay la lahaayeen dunida inteeda kale.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close