WararkaWaxbarashada

Cilmibaaris Cusub oo Ka Hadleysa Kala Duwanaanshiyaha Dhanka Midabka Aadanaha

Koox cilmibaarayaal ah ayaa helay nooca hidda sidadaha midabka jirka ay ku kala duwan yihiin Yurubiyaanka, Asians ka iyo in midabka asalka aadanaha u ah uu yahay madowga.

Daraasaddan cusub ayaa la arkay in 8 isbedello oo kala duwan ee genetic ah ay ku dhaceen afar goobood oo ka mid ah ‘Homo sapins’ oo ah koox farabadan oo hidde sidaha aadanaha ah oo laga helo gudaha DNA, kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeelasha midabka maqaarka sare. Aadanaha inta badan hidde-yaashaas wuu wadaagaa, taas oo xitaa laga heli karo aadanihii noolaa 900 kun oo sano ka hor.

Cilmibaaristan oo ay fuliyeen cilmibaarayaal ka tirsan mac’hadka cilmibaarista genetic-ga ee Maryland, ayaa waxaa lagu qiimeeyay data-da in ka badan 1600 oo qof oo deegaanno kala duwan oo qaaradda Afrika ah kasoo jeeda, sidaas oo kale waxaa la adeegsaday qiyaasta midabka light reflection-ka uu jirkooda ku yeeshay 2092 qof oo ku kala nool Ethiopia, Tanzania iyo Botswana.

Lama filaanku waxa uu noqday in “SLC24A5”oo ah gene jirka Yurub ubadan tahay ayaa laga helay bariga Afkira, iyaddoo kala bar Itoobiyaankii ka qeybgalay daraasadda laga helay.

Dr Sarah Tishkov oo ka qeyb ahayd daraasadda isla markaan ah macallimad wax ka dhigta cilmiga genetics  iyo biology-ga  ayaa tiri ” Waxaan helnay isbedellada aasaaska u ah genetics, waxaanan helay illaa hadda tiryo yar oo ka tirsan genetics ka la xiriira isbedellada dabiiciga ah ee haragga sare ee jirka.”

Sida lagu soo daabacay jariidada Daily Mail Cilmibaarayasha ayaa tilmaamay in isbedelka haragga sare ee jirka aadanuhu uu soo bilowday 30 kun oo sano ka hor.

Hadaba, natiijada cilmibaarista ayaa tilmaameysa in dadkii hore ee Afrika uu midobkoodu ahaa madowga madowga tiqa ah, kaas oo ka ilaalinaya jirka shucaaca qorraxda ee ‘UV’, markii ay Afrika ka haajiren oo ay gaareen goobaha ay qorraxdu ku yar tahay markaas ayuu bilowday inuu midabkii furfurmo, sidaa darteed culumadan saynisyahannada ah waxay aaminsan yihiin, in midabka jirka ee cad naftarkiisu uu Afrika kasoo askumay oo uu asal ahaan kasoo jeedo.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close