arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dabaaldagga Caalamiga ah ee Dhalinyarada & Ardayda Adduunka oo Ka Furmay Dalka Ruushka

Dabaaldagga caalamiga ah ee 19-aad ee dhalinyarada iyo ardayda ayaa si rasmi ah uga furmay Sabtida maanta ah dalka Ruushka.

Dagaaldaggan ayaa waxaa si gaar ah u martigelinaysa magaalada Sochi 14-22 October uu ka soconayo, howsha dabaaldagga waxa uu ka dhacayaa  Sochi Olympic oo ay iskugu imandoonaan maalinimada barri ah 20 kun oo dhalinyaro ah oo matalay ururro siyaasadeed, kuwo busho iyo kuwo dhaqan oo ka kala imaanayaan 180 dal oo daafaha dunida ku kala yaalla.

Madaxa hay’adda dhalinyarada heer federaal Alexander Bugayev ayaa yiri: “Bandhiggan caalamiga ah waxa uu noo yahay muhiim, maxaa yeelay waxaa iskugu imaanaya dhlinyaro tiro badan, taas oo ah fursad aan ku tusin karno hor-u-marka dalkeenna iyo ilbaxnimadeenna madaxdii barrito hortooda.”, Isagoo markaa tilmaamayay in dhalinayrada isku imaaneysaa ay yihiin madaxdii barri.

Dabaaldaggan heerka caalami ayaa waxaa iskugu imanaya tobanaan kun oo dhalinyaro ah oo ka kala socda waddamo kala gadisan iyo bulsho kala dhaqan duwan, waxaa dhalinyaradaa u suurtogalaysa iney is dhaafsadaan ra’yigooda iyagoo isku dayi doona iney wax un ku heshiiyaan.

Dabaaldaggan oo kale ayaa ugu dabmeysay dalka Ruushka xilligii  Midowgii Sofiyati oo laba jeer lagu qabtay Moscow sanadadii 1957 iyo 1987.

Maandeeq FM

Related Articles

Close