WararkaWaxbarashada

Garsoorka Britain oo Sharcidarro Ku Tilmaamay Iskuulaadka Gabadhaha iyo Wiilshu Kala Saaran Yihiin Gudaha Fasalka

Maxkamad ka dhisay gudaha caasimadda Ingiriiska ee London ayaa xukuntay in wiilasha iyo gabadhaha oo la kala saaraa ay tahay ‘midab kala sooc’ iyo arrin sharcidarro ah, go’aan saameyn ku yeelan doona  ku dhawaad 20 iskuul oo  dib ugu noqon doona siyaasadooda waxbarasho.

Xaaladdan ayaa waxaa dood ka keenay kormeerka waxbarshada Britain oo booqday iskuul muslimiintu ay leeyihiin ee Al hijra oo wiilasha iyo gabdhuhu kala soo can yihiin, kormeerkii iyo iskuulkii waxay isku qabsadeen arrintan, kadib waxaa arrintii kala saaray garsoore ka tirsan maxkamadda sare oo sheegay in kala saarista fasalka gudihiisa ee wiilasha iyo gabadhaha aaney wax dhibaato ah la lahayn wax takoor ahna aanuu ku jirin.

Laakiin kormeerka iskuulaadka Britain ayaan arrintii meeshaa uga harin, waxay sheegeen in siyaasadda wiilasha iyo gabdhaha lagu kala saarayaa tahay mid aan habbooneyn, maadama caruurta la kala saaro marka ay sagaal jirka gaaraan kadib, iyadoo aan loo ogoleyn iney meel ku wada kulmaan xilliyada nasashada cuntada iyo xilliyada waxqabadyada curriculum-ka ee laga maarmaanka u ah in la wada shaqeeyo, waxayna arrintii la tiigsadeen maxkamadda racfaanka.

Sida ay sheegayso jariidada The Telegraph, saddex garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka ayaa go’aankaa kasoo horjeestay Jimcihii shalay waxay sheegeen in go’aankii garsooraha maxkamadda sare uu ahaa mid aan xujo adag ku dhisneyn. waxay  ku tilmaamay siyaasadda kala saarista wiilasha iyo gabadhaha gudaha fasalka iney tahay  ‘midabtakoor’ iyo arrin aan sharci ahayn. Waxaaney sheegeen in nidaamka wiilasha iyo gabadhaha lagu kala saarayaa uu yaha mid gabdhaha iyo wiilashaba dhibaato u keenaya.

Go’aankan ayaa ku khasbi kara 20 iskuul oo kale iney dib u eegaan siyaasaddooda waxbarasho, waa sida ay sheegtay Amanda Spielman oo ah madaxa kormeerka dugsiyada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close