WararkaWaxbarashada

Jacaylka Tirada Badan ee Shaqada oo Lagu Dib Dhaco!.. Iska Eeg Arrimahan si Aanad Hadhow u Qoomameyn (Cilmibaaris)

Cilmibaaris cusub oo dhawaan tajiidadeeda lasoo saaray ayaa sheegaysa in dadka shaqadooda aadka u jecel ay dhici karto in saaxiibadooda kale ee aan shaqada is wada siin ay ka sare mari karaan dhanka nolosha.

Arrintaan ayaa sabab looga dhigay saacadaha tirada badan oo ay ku qaadanayaan goobahooda shaqo iyo nasashada oo aad ugu yar.

Cilmibaarayaasha daraasaddan sameeyay oo ka tirsan jaamacadaha King’s London college iyo Royal Holloway ayaa arkay in mihnadaha shaqo ee saacadaha dhaadheer u baahan ay keenayaan hurda yari iyo in shaqadii qof ku sidii ugu wanaagsanayd uu u gadan kari waayo.

Dr. Michael Clinton oo ka tirsan kulliyadda King’s College London ayaa yiri: “In shaqo oo kaliya xoogga la saaraa waxay keenaysaa mugdi farabadan markii qofku uu la jaanqaadi kari waayo dhinacyada kale ee nolosha, marka uu qofku ka gaabiyo arrimaha shakhsi ahaan gaarka ah iyo arrimaha kale ee qoyska xiriirka la leh.”

Cilmibaarayaasha ayaa sheegaya iney tahay in qofku uu ku baraarugo waxyaabaha kale ee dhanka nolosha ku seegaya, maxaa yeelay.. dhinacyada qoyska iyo arrimaha shakhsi ahaan ee hor-u-marka qofka uu keeni karo iney kaa hor-u-maraan saxiibada kale ee shaqada dhankeeda ka dadaal yar kana xirfad hooseeya.

Ugu dambeyn, natiijada cilmibaarista ayaa sheegaysa iney tahay in la isku dheellitiro shaqada, qoyska iyo hor-u-marinta nafta, haddii kale waxaad arkaysaa asaaggaa weli xirfad ahaan kaa hooseeya oo hor-u-mar dhinac kasta ah sameeynaya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close