arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qoys Brazilian ah oo 14 Qof Ay Lixfarood Ka Yihiin.. Xirfado Badanna Ku Wanaagsan (Muuqaal)

Waalidiin badan ayaa marka ay arkaan in caruurtoodu ay ku dhashaan dhalanrogad  waxay u tahay war aan wanaagsaneyn, way ka murugoodaan dhibaato daran ayayna ku noqotaa waxyaabaha dheeraadka ah ee ubadkooda ay ku arkaan.

Laakiin, qoyska Da Siva oo kasoo jeeda dalka Brazil ayaa ku faana in 14 qof oo ka mid ah qoyskooda oo ka kooban 23 ay ku dhasheen lixfaroodnimo dhanka lugaha iyo gacmahaba ah, waa marka lagu daro canug yar oo dhaawan dhashay oo loo bixiyay Vinicius.

Vinicus ayaa qoysku filayaan inuu la mid noqdo Joao Assis oo ah goolhaye xariif ku ah kubadda cagta ama inuu la mid noqdo sida walaashii oo kale Maria Morena oo aad u taqaanna aaladda music ga ee Piano-da.

Mid ka mid ah xubnaha qoyska ayaa jariidada Daily Mail u sheegay in faraha dheeraadka ah ay yihiin hibo ay dheeriyihiin qoysaska kale ee reer Brazil.

Hidde-sidaha sababa iney dadku fara dheeraad ah ku dhashaan ayaa cilmi ahaan loo yaqaannaa “Polydactyly”, iyadoo la arko xaaladda faraha dheeraadka ah mar 3000 ee caruur ah ee dhasha daafaha kala duwan ee dunida.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close