DugsiyadaWararkaWaxbarashada

3 Shardi oo Lagama Maarmaan u ah Si aad Wax Ugu Barato Gudaha UK

Marka aad qorsheenayso inaad wax ka barato mid ka mid ah jaamcadaha UK, waxaa waajib ah inaad marka hore buuxiso shuruudahan aasaasiga ah ee ay ka wada siman yihiin dhammaan jaamacadaha dalkaasi.

Kow: Dhamaan jaamacaduhu waxay shardi ka dhigaan inuu qofku haysto shahaado caddeyn ah inuu kasoo gudbay imtixaanka luqadda English ka ah, sida; IELTS oo ah  kan ugu caansan, waa inaan darajadaadu ka yaraan 6.5.

Labo: Waa inuu jiraa il dhaqaale  iyo account gaar ah oo Banki lacagi  ku jira isla markaana dabooli kara dhammaan kharashaadka jaamacadda inta waxbarashadu socoto, haddii aad tahay qof qoyskiisa gaarka ah ay dirayaan ama jaamacadda uu ka baxay ay dirsaneyso, amba minxo ka helay hay’ado  maxalli ah oo arrimaha waxbarashada dadka ka taageera.

Saddex:  markaas shuruudahaa buuxin karto ardaygu waxa uu jaamacadda u dirayaa codsi, kadib waa inuu helaa aqbalaad aan shardi ku xirneyn “Unconditional offer”, aqbaalaadda marka aad hesho waxaa kuu fududaaneysa inaaf Visa dal ku galka UK hesho.

Saddexdaa shardi marka ay kuu dhameystirmaan waxaa kuu sahlanaaneysa inaad wax ku barato gudaha Boqortooyada Ingiriiska.

Maandeeq FM

Related Articles

Close