CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cunnooyin aan Si Maalinle ah u Quudanno oo aaney Habbooneyn in La Mayro

Yaraantii waxaa la inoo sheegay inaan wax kasta aan dhaqno, gaar ahaan cuntada, halka dumarka intooda badani ay meyraan wax kasta oo cuntada ku saabsan marka ay karinayaan, laakiin cilmi ahaan dadka aqoonta u leh ay tilmaamayaan in raashinka qaar aanuu u baahneyn in la dhaqo. Haddii la dhaqana ay bakteeriyo ku faafeyso dhammaan alaabta lagu mayro.

Sida lagu soo daabacay website-ka BrightSide waa kuwan raashinka aan loo baahenyn in la mayro:-

1  .Ukunta

Ukunta in la mayro kuma habboona, inta aan qaboojiyaha la gelin amaba aan dabka la saarin ka hor, sababtuna waa in maaddo u diidda iney bakteeriyadu ku  faafto lagu soo buufiy -waa midda shirkadaha laga soo iibsado- maadaadaasina ay alaabta kale ku faafayso.

2  .Digaaga hilibkooda

Baykeeriyada digaagadda jirkeeda sare ku badan ee la yiraahdo Salmonellae oo ku faafaysa dhammaan jikada, taas oo keenta sumowga raashinka.

Waxaa fiican in labo jeer biyo kulul lagu karkariyo, biyaha kulul iyagaa bakteeyo kasta dila, kadibna sidii aad doonto u karso.

3  .Hilibka Guud ahaan

Ma habboona in hilibka la dhaqo, noocuu doonaba ha ahaadee, weelka aad ku dhaqdo ayaa bakteeriyada raashinku ku faafaysaa, dabka aad ku karineyso ayaa ka adag nooc kasta oo bakteeriyo ah.

4  .Baastada

Dadka qaar baastada ayay meydhaan ama dhaqaan, dadka khibtadda u leh sida ay sheegayaan mayristaasi waxay dileysaa maadama maraqa iney nuugto loogu talogalay ee baastada lagu daro ee macaaneysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close