arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hilibkeeda, Baalasheeda, Dhuuxeedu waa Isku Midab.. Wax Ka Baro Digaagadda Madow ee Dunida Ugu Qaalisan

Waxaa dunida aad looga xiiseeyaa digaagadda ‘Madow’ ee Indonesian ka ah ee loo yaqaanno “Lamborghini chicken”, waa doorada adduunka ugu qaalisan,  midabka madow ayaa xubin kasta oo jirkeeda ka tirsan, baalasha, hilibkeeda, iyo lafaheeda ku xardhan oo xubin kasta oo jirkeeda ka tirsan waa madow.

Doorooyinka noocan oo kale ah ayaa kusii badanayay Yurub iyo Mareykanka 20sano ee lasoo dhaafay.

Halkii xabbo ee dooran ka tirsan ayaa qiimaheeda lagu kala iibsadaa $2,500(Laba Kun iyo shan boqol oo dolar).

Maxaa goonni u ah oo lagu arkay ‘Lamborghini?

Hilibkeedu aad ayuu u dhadhan wacan yahay, caafimaadkana waxay kobcisaa, gaar ahaan neefmareenka oo ay u wanaagsan tahay, habdhiska dibaaca jirkana kor ayay u qaaddaa.

Warbixinnada qaar ayaa sheegaya in doorooyinka(digaagadaha) noocan oo kale ah, si gaar ah loo siiyo haweenka uurka leh ee dalka Indonesia iyo hilibkooda oo bir tiro badan laga helo, waxaana loo aqoonsan yahay iney tahay Astaanta Awoodeed iyo mid hantiyeed.

Dooradan ayaa waxaa aad u raadiya dadka taajiriinta ah ee u dhashay dalalka Mareykanka iyo Shiinaha iyo dowlado kale, dalka Shiinaha waa raashinka ugu wanaagsan ee la siiyo umulaha markay dhalaan kadib, waxana la aaminsan yahay iney ka helayaan tamar badan oo ay ku waayeen xilligii uurka iyo foosha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close