WararkaWaxbarashada

Maanta oo Kale: October 15, 1969 ..Waxaa si Gaadmo ah Lagu Dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke

Maanta oo kale waxaa si gaadma ah lagu dilay Madaxweynihii hore Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo ahaa madaxweynihii Labaad ee Soomaaliya, waxa uu dhashay October 16, 1919, waxa uu waxbarashadiisa ka bilaabay dugsi Qur’aan illaa dugsiga sare ka baxay sanadkii 1953-dii.

Waxbarashadiisa heerka jaamacadeed waxa uu ku qaatay jaamacadda Sapenza ee magaalada Rome, isagoo halkaa ku qaatay culuumta Siyaasadda sanadkii 1959, markii uu jaamacadda soo dhameystay ayaa waxa uu ka mid noqday xisbigii midaynta Shacabka Soomaaliyeed sanadkii 1943, waxanuu ka mid noqday xubin ka tirsan guddiga fulinta.

Marka ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay Luuliyo 1, 1960,  ee la doortay Madaxweyne Adan Cabdulle Cusman Daar ayaa Ra’isul Wasaare u doortay Cabdirashiid, markii baarlamaanka la dhisay sanadkii 1964 ayuu xubin ka noqday, kadib waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay June 10, 1967, waxaana si assassination gaadma ah lagu dilay maanta oo kale October 15, 1969 isagoo xilligaa booqasho ku joogay magaalada Laascaanood.

Waxaa dilay askari boolis ah oo meel u dhow ka toogtay, dhacdadaas ayaa markii dambe dhalisay inqilaab milatari oo ay hor kacayeen saraakiisha ugu sarsarreysa ciidanka oo uu kasoo dhex baxay Maxamed Siyaad Barre oo Madaxweyne Noqday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close