CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

25 Milyan oo Qof oo U Geeriyooda Morphine Yari Sanadkii -Daraasad Cusub

Cilmibaarayaal ayaa sheegay in morphine yari darteed ay u dhintaan sanadkii 25,000,000(shan iyo labaatan milyan) oo qof, dowladaha saboolka ah.

Sida ay sheegayso BBC, koox dhakhaatiir ah ayaa sheegaysa in tiradaa faraha badan ay 10 qof ka mid ah uu yahay caruur. Morphine ka oo ah  xanuun baabi’yi xoog badan oo la’aantii ay adag tahay in xanuunka xoogga ah loo adkeysto, iyadoo ay jirto in maadadaad  si khaldan loo adeegsado gudaha Mareykanka.

Cilmibaarayaasha ayaa sheegay in bukaanka u baahan Morphine iney helaan ay kasoo jeedaan dowladaha faqiirka ah iyo kuwa soo koraya labadaba, kuwaas oo wax-soo-saarkooda Morphine yahay 4% wax-soo-saarka guud ee dunida, halka in badan oo Mareykan ah ay u adeegsadaan Morphine ka mukhaadaraad iyo qaboojiye ahaan, taas oo ah qaab aan u wanaagsaneyn adeegsiga guud ee maadada oo ah maaddo caafimaaad oo wanaageedu yahay mid loo adeegsado daweynta cudurada iyo xanuun baabi’iye ahaan.

Julio Frenk oo ka tirsan mac’hadkii daraasaddan sameeyay ayaa yiri “Morphine-ku waa hub Labo afleh, waa marka aan si gaar ah u fiirinno xaaladda dowladaha faqiirka ah ee aan heli karin xaruun baabi’iye jaban.”

Daraasaddan ayaa sheegaysa in iibinta dawooyinka ka kooban codeine iyo morphine ee dalalka faqiirk ah lagu gaarsiiyo qiimo aad u sarreeya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close