WacyigelinWararkaWaxbarashada

4-ta Calaamadood ee Lagu Garto Qofka Ku Neceb ee Ku Jir-diidaya

Bani’aadamka dabeecad ahaan waxa uu jecelyahay inuu sameeyo xiriirro bulsho oo wanaagsan, waxa uuna ku dadaalaa inuu mar kasta noqdo qof la jecelyahay oo dadka kale raalligeliya.

Waxaa jira dad aan ku jeclayn oo dadaal kasta oo aad raalligelintooda ku bixiso aaney ku filneyn, nacayb ay shakhsiyadaada necbyihiin darteed, laakiin hadana isku daya iney muujiyaan arrin ka duwan waxa ay qarsanayaan.

Sidaa darteed waxaan idiin soo gudbineynaa 4 calaamaood oo aad ku garan karto dadka ku neceb ee aan marnaba raalliga ka ahayn agjoogaaga.

4 calaamadood ee lagu garto ruuxa aan ku jeclayn

1  .Dhoollocaddeyn la’aan

Qof waxaa jira aad isku fiican tihiin laakiin maalin un xaaladdu ka xumaato mararka qaar, dhibaato gaar u haysata darteed, kaa maaha ka loola jeedaa. Qofka ku neceb waa qof marka uu dadka kale la joogo faraxad raynreyn u muujinaya marka uu ku arkana wejiga kuu bedelaya iskuna dayaya inuu si adag kuula hadlo indhahana aan ku siin karin, waa qofkaas qofka laga hadlayaa.

2  .Iska Dhaga-tirid

Mar kasta waxa uu isku dayayaa inuu ku ignoring kugu sameeyo uu iska kaa dhaga-mariyo adigoon jirin oo kale uu kaa soo qaado, marka uu dadka kale oo dhan la hadlayo waxa uu u muujinayaa tixgelin, adiga waxa uu isku dayayaa inuu iska kaa dhaga-tiro, waxba aanuu kaa soo qaadin.

3  .Hadal Kooban

Waxa uu kugula dhaqmayaa habka soo koobista oo ma ogola inuu faahfaahin kula galo, erayada ugu badan ee uu isticmaalayo waa; hagaag; sax; maya, haa…sidaa darteed khabiir Philip, marka falcelinta qofka ay isku bedesho erayo kookooban waa arrin caddeyn u ah inuu qofkaasi ku jeclayn.

4  .Jirdiid

Marka aad aragto inuu qofku ku jirtiidadayo ee astaamaha uu jirkiisu bixinayaa aaney ku farxadgelinayn waxay u badan tahay in qofkaasi aanuu ku jeclayn, sida; inaanuu kusoo eegayn oo kale, xaaladda garbihiisa oo digtooni ka muuqato oo aan dabac saneyn, wejigiisa oo kaduud uu ka muuqdo.

Ugu dambeyn, arrinamaha waa waxyaabo ay dadka cillmiga bulshada bartay yaqaanaan, laakiin qofna ha dulmin, isku day inaad si wanaagsan qofka ula dhaqanto oo haddii aad aragto inuu ku necebyahay adiguna aadan la mid noqon ee aad ka roonaato jacayl kii hore ka badanna aad u muujiso, maxaayeelay Shaydaanka ayaa la diidayaa ineynu albaab u furno, markasta qofka wanaagsani dadka kale isagaa ka roonaada.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close