WararkaWaxbarashada

Akhriso: Kala Bar Luqadaha Adduunka oo Muddo Qarni ah Gudahood Lagu Waayi Doono

Warqad cilmibaaris ah oo ay soo saareen jamciyadda Luqadaha ee sida gaarka ah u daneysa luqadaha laga cabsi qabo iney dabargo’aan ee “linguisticsociety, ayaa sheegay in la filayo kala bar luqadaha adduunka in ay dabargo’aan muddo Qarni ah gudahood, adeesiga luqadaha ugu caansan oo sii kordhaysa, ilbaxnimada marba marka ka dabeysa lasii gaarayo iyo Globalization darteed.

Luqadaha adduunku waa imisa?

Sanadkii 1996-dii ayaa tirakoob la sameeyay waxaa lagu ogaaday iney adduunka ka jiraa 6993 luqadood oo mid walbaaba tan kale ay ka duwan tahay. Qaaradda Mareykanka waxaa ka jira 1000 luuqadood, Afrika 2011 luuqadoo, Yurub 255, Asia 2165, Pacific oo Australia ay ku jirto 1320 luuqadood, luuqadahaa aan sheegayno waxaa ku jira kuwo xaalad dabargo’ ku jira oo dadka ku hadlaa ay fara ku tiris yihiin. Inta badan culumada luqadda waxay isku raacsan yihiin iney jirto in ka badan 5 kun oo luuqadood, waxayna sheegayaayaan in muddo Qarni ah gudahood luqadahaasi ay kala bar is dhimayaan.

Luqad Maxaa dabargo’a ku keena?

Luqad kastaa waxaa dabargo’eedu yimaaddaa marka adeegsigeedu yaraado, waxaa jira luqado dadka waaweyn un ay isla yaqaannaan oo dadka yaryar aan la barin sidaa darteed; marka dadkii waaweynaa ay geeriyoodaan ayay luqadiina la dhimaneysaa, waana sababta ugu weyn ee ay luqaduhu u dabargo’aan.

Si kastaba, Shacab kastaa taariikhada uu leeyahay iyo dhaqankiisu waxay ku duugan tahay Luqadda uu leeyahay, haddii luqadi ay dabargo’do waxwalba oo kale iyada ayay raacayaan shaki la’aan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close