WararkaWaxbarashada

Qoraaga reer Spain ee Javier Sierra oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Planet ee Suugaanta 2017

Qoraaga reer Spain ee Javier Sierra ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Planet” oo ah abaalmarinta ugu muhiimsan ee lagu bixiyo suugaanta luqadda Spanish, waxaanuu ku helay ruwaayaddiisa “El Fuego Envisionle“(Dabka aan la arkayn) oo uu ka qoray Holy Grail (Koobka muqaddaska ah).

Ruwaayaddan xiisaha badan ayaa sheekadeedu ku wareegaysaa qiso caalim dhanka luqadah ah oo safar naf-hurnimo  adventure ah u galaya si uu xal ugu helo “Hal xiraale asalka kalimadda taariikhda Yurub bedeshay Qarnigii Labaad ee Holy Grail.

Abaalmarintan ayaa ah markeedii 66aad ee la bixiyay iyadoo qiimaheeda lacageed uu gaarayo illaa 601,000(lix boqol oo kun) oo euros.

Javier Serra oo hadda da’diisu tahay 46 jir, ayaa 30 milyan oo nuskhadood ka iibiyay buugaagta uu alifay oo lagu tarjumay in ka badan 40 luuqadood oo caalami ah.

Tartanka abaalmarintan ayaa waxaa sanadkan ka qeybgalay 634 qoraa oo 193 ka mid ah ay ka soo jeedaan Latin America.

Planet house ee buugaagta faafisa oo ah tan ugu muhiimsan luqadda Spanish-ka ayaa sheegtay maalmo ka hor iney ka guureyso magaalada Barcelona, sababtuna ay tahay madmadowga ka dhashay aftidii dhawaan halkaa ka dhacday ee madaxbanaanida ku doonayaan reer Catalonia, taas oo garsooska Spain-kuna ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close