WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo Xustay Maalinta Falaxalka Aduunka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa xustay maalinta faraxalka adduunka oo ku beegnayd October15 oo sanad kasta loo dabaaldago.

Munaasabad oo ahayd mid wacyigelin ayaa  hal-ku-dhiga sanadkaan waxaa uu ahaa our Hands our Future (gacmaheenna waa mustaqbalkeenna), waxaana si weyn looga hadlay muhiimada ay Nadaafadu u leedahay aadanaha.

Maamulaha Schoolka Maxamuud Aw Cismaan Axmed Cabdi Cilmi ayaa ardayda ugu baaqay iney ilaaliyaan Nadaafada kuna dadaalaan Marwalba farodhaqashada si loo ilaaliyo Caafimaadka.

15-ka October waxaa loo asteeyey maalinta Nadaafada aduunka gaar ahaan Faradhaqa waxaana Munaasabad lagu dhiiragalinayo faradhaqashada lagu qabta Schoolka Maxamuud Awcismaan ee magaalada Garoowe.

Cabdishugri Maxamed Faarax oo ah Madaxa Washka ee wasaaradda waxbarashada iyo agaasimaha horumarinta waxbarashada Maxamuud Cabdisalaan ayaa ka hadlay muhiimada ay nadaafadu leedahay gaar ahaan faradhaqashada,waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in faraha la dhaqdo marka la seexanayo aman la soo toosayo.

Sidookale waxaa ay sheegeen inay Muhiim taha in faraha la dhaqo xiliyada isticmaalka Suuliga,Cunto cunida kadib iyo ka hor si loo ilaaliyo Nadaafada shaqsiga iyo deegaanka.

Xafso Maxamuud Siciid oo Wash cordinater-ka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa si toos ah ardayda ugu samaysay Paratical faradhaqashada iyadoo ardayduna ay si toos ah u sameeyeen.

Agaasimaha waaxda hormarinta Waxbarashada Maxamud C/salaan ayaa aad uga hadlay nadaafada ardayda iyo in waaxdisa aad ugu mashquulasn tahay schoolada waxtarka agabka nadaafada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa ardayda iyo shacabka ugu baaqay inay Nadaafada dhowraan gaar ahaan Faradhaqa waxaana uu sheegay in wasaaradu ay casharo ku saabsan Nadaafada ay ku bixiso Schoolada Puntland.

Xuska Munaasabadaan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland iyo Hay’adaha World vision, Unicef, NRC iyo Nero.

 Deeq Hurrevov
Madaxa isku xirka Wasaaraddda waxbarashada iyo Tacliinta sare

Maandeeq FM

Related Articles

Close