WararkaWaxbarashada

Wasiirka waxbarashada Sucuudiga oo Xilka ka Qaaday Mas’uul 72 saacadood un Ka Dib Markii uu Xil u Magacaabay

Wasiirka waxbarashada Sucuudiga Dr. Axmed Ciise ayaa xilka ka qadary Dr. Huda al-Xamaud oo ahayd maamulaha guud ee barnaamijka “Fattan” ee hor-u-marinta ardayda, kadib markii ay xilkaa haysay muddo 72 saacadood ah oo qura.

Ilo-wareedyo wasaaradda ka ag dhow oo ay soo xiganayso warbaahinta ‘Erem News’ ayaa sheegaysa in sababta xilka looga qaaday mas’uulkaasi tahay qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay oo aan faraxad gelin xukuumadda Sucuudiga.

Fattan ayaa ah barnaamij gaar ah oo loogu talogalay hor-u-marinta ardayda ee dhanka shakhisyad ahaan iyo bulsho ahaanba sidii uu meel wanaagsan ku gaari lahaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close