TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Facebook oo Ka Howlgelinaysa Gudaha Dugsiyada Sare ee Britain La Taliyeyaal Da’yar ah

Shirkadda Facebook ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqday iney maalgelinayso “safiirro dhanka ammaanka digital ka ah” oo da’yar ah, kuwaas oo laga howlgelinayo dugsiyada sare ee gudaha Britain ku yaalla, si looga hortago hanjabaadaha ardayda ay la kulmaan iyo khataraha kale ee dhanka ammaanka Internet-ka ah.

Facebook waxay intaa sii racisay iney iskaashi la sameysay jamciyadda Diana Award iyo hay’adda samafalka caalamiga ah ee ChildNet, kuwaas oo da’yarta u leylinaya sidii ay u noqon lahaayeen la taliyeyaal ka howlgala 4500 iskuul Labada sano ee soo aaddan.

Antigone Davis oo ah madaxa  ammaanka ee Facebook, ayaa tiri “barteenna bulshada sida dhabta ah way hor-u-marisay ammaanka gudaha barta, iyadoo aan sameynnay goobo cabasho ah oo dhibaatooyinka laga gudbin karo, arrintaas ayaan dooneynaa inaan gaarsiinno goobaha ka baxsan barta.”

Waxay intaa sii raacisay: “Waxaan ogaannay in saddex ka mid ah afartii caruur ah ay jecelyihiin in dhibaatooyinka haysta ay la wadaagaan asaaggood una sheegtaan waxa haysta, sidaa darteed inaan la taliyeyaal da’yar ah tababarno waxay noo leedahay muhiimad gaar ah.”, ayay tiri Antigone.

Barnaamijkan cusub ayaa lagu maalgelinayaa 1billion oo gini ($1.33million) oo ay bixinayso Facebook, waana sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Reuters.

Maandeeq FM

Related Articles

Close