TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Faraanti Badbaadin Kara Nolosha Malaayiin Qof!

Khubaro ka tirsan jaamacadda California ee dalka Mareykanka ayaa hor-u-marin ku sameeyay Fargal(Faraanti) dadka ka badbaadinaya khatarta dilaaga ah ee Qaraxyada iyo suntan kiimikada ah.

Faraantigan ayaa waxaa la socda qalab yar oo awood u leh inuu dareemo khatar kasta oo Chemical ama biological ah oo qofka kusoo foolleh, waxaanuu qofka u  sheegayaa iney khatar degdeg ah jirto marka uu goobta khatarta ah usoo jirsado dhowr mitir.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in uu faraantigu lasoo xiriirayo qalabkaaga smarts ka ah, isagoo shashaadda moblika aad ka arkayso faahfaahinta khatarta aad waajahayso.

Dadka ku howllan hor-u-marinta faraantigan ayaa ku dadaalaya inuu noqdo mid  dareema maaddo kasta oo Kiimikeed oo ay suurtogal ay tahay in qarax laga sameyn, iyagoo doonaya iney suuqa kula baxaan qalabka kale arriman baara ee dunida ugu caansan.

Qalabkan ayaa shabaha “electronic nose” ay hor-u-mariyeen culumo ka tirsan jaamacadda Technicalka ee Denmark oo soo saaray qalab awood u leh  inuu dareemo mukhaadaraadka meelaha adag lagu qariyo.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close