arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hoggaamiyeyaasha Ugu Da’dayar Adduunka

Sebastian Cortes oo 31 jir ah ayaa noqonaya hoggaamiyaha ugu da’da yar aduunka kadib markii xisbigiisu ku guuleystay doorashooyinka Austria,  October 16, 2017, ka dhacday dalkaas.

Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin hadleyso Dhalinyarada dunida Xukunta, waa dalalka dimuqraadiga wax lagu duuro, iyadoo ay jiraan dalal kale oo aan hab dimuqraadi ah wax lagu dooran laakiin dhalinyaru maamusho sida, Kuuriyada Waqooyi iyo Qatar oo kale.

Hoggaamiyeyaal badan oo dhalinyaro ah ayaa maanta dunida xilal muhiim ah ka haya, laakiin intooda badani 40 jirka kor ayay u dhaafeen.

France: Emmanuel Macaron, waxaa madaxweyne loo doortay May 2017, waxaanuu noqday madaxweynihii ugu da’da yaraa 25 madaxweyne oo dalkaa soo maray.

Estonia: Jüri Ratas oo da’diisu tahay 38 jir waxa uu ra’isul-wasaare noqday November 2016, waxaanuu xilka ka la wareegay TAffi Roevas oo isna dhalinyaro ahaa da’diisuna ahayd 34 jir oo la doortay 2014.

Ukraine: Volodymyr Groysman, waxa uu madaxweyne noqday 2016, iyadoo da’diisu tahay 38 jir.

Greece: Alexis Tsipras, waxauu madaxweyne noqday sanadkii 2016 iyadoo da’diisu tahay 40 jir.

Tunisia: Yousef al-Shahid, waxa uu ra’isul-wasaare noqday 2016, isagoo 40 jir ah.

Canada: Justin Trudeau, ra’isul-wasaarahada dalka Canada, waxa uu xilka qabtay isagoo 43 jir ah, 2015.

Poland: andrew deodato waxa uu madaxweyne dalkaas ka noqday isagoo 43 jir ah sanadkii 2015.

Belgium: Charles Michel waxa uu madaxweyne noqday isagoo 38 jir ah, sanadkii 2014.

Georgia: Giorgi Margvelashvili waxa uu madaxweyne noqday isagoo 44 jir ah, sanadkii 2013.

Hungary:  Viktor Orbán, waxa uu ra’isul-wasaare noqday isagoo 35 jir ah sanadkii 1998, xilka waxa uu markale dib ugu soo laabtay sanadkii 2010.

Somalia: Xasan Cali Khayre, ra’isul-wasaaraha Soomaaliya waxa uu noqday February 2017, waa 49 jir.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close