WararkaWaxbarashada

Kumanaan Sano Kadib.. Cilmibaarayaal Soo Saaray Sirta Jiritaanka Dahabka ee Dhulka Dushiisa

Jiritaanka Dahabka ee dhulka dushiisa ayaa muddo hal-xiraale ku ahaa culumada, gaar ahaan kuwa Chemistry-ga oo ku wareersanaa muddo kumanaan sano ah arrintan, illaa ay markii dambe gaareen oo ay heleen sirta ka dambeysa jiritaanka Dahabka ee dhulka dushiisa looga helo.

Sida ay sheegayso jariidada The Telegraph, Culumo Chemistary-ga ku takhasustay oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa hadda helay inuu Dahabku ka sameysmo qaraxyada waaweyn ee xiddigaha neutron-ka ah ka dhex dhacay, kuwaas oo uu ka dhasho falgal ugu dambeyn sababa iney ka sameysmaan macdanta birta ka culus ee uu Dahabku ka mid yahay, kadibna uu dhulka kusoo daatay.

Macdanta birta ka culus ayaa inta badan sameysma marka ay qaraxyada Kowniga ah ay dusha sare ka dhacaan, waana marka ay isku dhacaan xidigaha neutron-ka ah.

Xilli dhow waxaa culumada u suurtagashay iney Dahab gacan ku rimis ah sameeyaan, kaas oo falgal nukliyeer ah laga sameeyo oo aad  qaali ah.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close