WararkaWaxbarashada

Mudaharaad Lagaga soo Horjeedo Qaraxii Muqdisho oo Ka Socda Magaalada Kismaayo

Iskuulaadka iyo gacansiga Kismaayo ayaa maanta xiran iyadoo dadkii ay iskugu soo baxeen jidadka iyo waddooyinka iyagoo mudaharaadaya qaraxii arxan darrada ahaa ee Sabtidii ka dhacay gudaha magaalada Muqisho.

Mudaharaadayaasha ayaa si aan loo kala harin iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Kismaayo, iyadoo la filaylo in mas’uuliyiinta ugu sarsareysa maamulkaasi la hadlaan dadweynaha.

Muharaadkan ayaa loo abaabulay iyadoo looga jawaabayo qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Muqdisho,dadka mudaaharaadaya ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah al-Shabaab oo lagu eedaynayo iney ka dambeeyeen weerarkaas.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaraxa ku eedaynaysa xarakada al-Shabaab, halka iyaguna dhankooda aaney weli beenin eedaynaa ay xukuumaddu u soo jeedisay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close