arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Taallada Paris ee “Eiffel Tower”oo Nalkeedii u Damisay Baroordiiqda Dadkii Waxyeelladu Kasoo Gaartay Qaraxii Muqdisho

Taallada Paris ee “Eiffel Tower” ayaa damisay iftiinka habeennimadii xalay iyadoo baroordiiqda kala qeybqaadaneysa shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxaxeen in ka badan 300 oo ruux oo shacab ah oo ku nafwaayay musaabdii 14 bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maamulka Tower-ka ayaa Isniintii kusoo qortay bartooda twitter-ka “Caawa, laga bilaabo saqbarka habeenkii, waxaan daminaynaa iftiinka si aan ugu muujinayo garab istaag dhibanayaasha weerarkii Muqdisho.”

Duqa magaalada Paris ayaa faray Tower-ka inuu iftiinka hoos u dhigo si uu garab istaag iyo inuu la safan yahay ugu muujiyo dadyowga ay qabsadaan falalka argagixiso ee daafaha dunida.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaraxa ku eedaynaysa xarakada al-Shabaab, halka iyaguna dhankooda aaney weli beenin eedaynaa ay xukuumaddu u jeedisay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close