CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Sonkorta iyo Kansalku Waa Shilinka Labadiisa Waji oo Kale

Daraasad cusub oo dhawaangal ah ayaa sheegaysa in Sonkortu baraarujiso urugyada Kansalka gudaha jirka aadanaha, sidaas oo kale nabaradana caabuqa ku sii kordhiso.

Cilmibaaristan oo ay si wadajir ah usoo saareen labada jaamacadood ee dalka Belgium ee kala ah “Ku Leauven” iyo “VUB” oo kaashanaya mac’hadka “VIB“, ayaa waxaa lagu daraaseeyay saameynta  Warburg.

Saameynta Warburg ayaa ah in uu Unugyada Kansalku ay quutaan glucose-ka iyadoo daraasaddan ay qaadatay muddo 9sano ah oo dhameystiran.

Daraasaddan ayaa xoogga saartay in caabuqa kansalka waxay u bedeshaa sonkorta lactate acid, daraasaddanna ayaa waxaa loo yaqaannaa ” Warburg Effect”

Daraasado hore ayaa tilmaamay xiriirka Warburg, laakiin cidina daraasaddan ka hor ma aaney ogayn iney ka mid tahay astaamaha cudurka iyo iney tahay sabab ka mid ah sababaha cudurka dhaliya.

Professor John Tevelin ayaa sheegay in cilmibaaristu ay muujiso, adeegsiga xad dhaafka ah ee uguyada jirka ee Sonkorta waxa uu keenaa hor-u-marinta Kansarka ee jirka bani’aadamka iyo koritaankiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close