DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Daraasad Muddo 25sano ah Socotay.. Sports-ka oo 10sano Kaa Yareeya Asaaggaa

Daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa sheegaysa in dadka Sports-ka ciyaara ay ka da’yar yihiin asaagooda aan wax Sports ah sameyn,  qiyaasta muddo 10sano ah.

Arrintan ayaa ah natiijo kasoo baxday daraasad cusub oo cinwaankeedu yahay “Ka Qeybqaado Caafimaadkaaga”, taas oo natiijadeeda ay faafisay Talaadadii shalay qeybta cilmibaarista ee mac’hadka Karlsruhe ee dalka Jarmalka.

Daraasaddan ayaa ku qotantay baaritaan lagu sameeyay xaaladda caafimaad ee dadka sida joogtada ah Sports u ciyaara iyo kuwo aan wax Sports ah sameyn oo la qiyaasayo marxaladda da’aadda dhexdhexaadka ah.

Professor Klaus Bose oo hoggaaminayay daraasaddan uuna la waday Alexander Bean ayaa yiri “Data-dii aan helnay waxaa nooga caddaatay qofka Sports ka ciyaara ee da’da 50ka ah uu leeyihiin firfircooni u dhiganta tan 40 jirka aan wax Sports ah ciyaarin.”

Waxaa caddaatay dadka Sports ka ciyaara in ka yar 2saacadood iyo bar isbuucii ay u nugul yihiin khatarta Cudurrada Sokorta 4 laab ku badan yahay, marka loo eego dadka Sports ka ciyaara oo khatartaasi ku yar tahay.

Daraasaddan oo lasoo bilaabay 1992 magaalada Schoenborn ee dalka Jarmalka, ayaa waxaana ilgaar ah lagu hayay 500 oo qof oo rag iyo dumar ah oo da’doodu u dhaxayso hadda 35-80 jir ah.

Dadka cilmibaarista ka qeybqaatay ayaa lagu sameynayay sanad walba baaritaanno dhanka qiimeynta awoodooda ku saabsan, iyo baaritaanno gaar ah oo ku saabsan dhiigga, buurnida jirka iyo caafimaadka maskaxda, baaritaannada oo caafimaadka guud lagu eegayay.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close