arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dil Gaadmo ah oo Lagu Khaarajiyay Saxafiyad ka Qeybqaadatay Baaritaanka Fadeexaddii Panama

Dhacdo naxdin leh, saxafiyadda baaritaan(Investigative press) ee Daphne Galizia, ayaa la dilay Isniintii, qarax loogu xiray gaarigeeda oo kula qarxay meel u dhaw gurigeeda gudah Malta.

Jariidada The Gaurdian sida ay sheegayso, Daphne ayaa lagu tiriyaa iney ka mid tahay saxafiyiinta ugu caansan gudaha Malta, waxayna ka qeybqaadatay dabagalka warqadaha fadeexaddii Panama”Panama Documents”, Daphne ayaa dhowr jeer oo hore labadii Isbuuc ee lasoo dhaafay cabasho u gudbisay booliska.

Saxafiyaddan ayaa eedaymo la xiriira musuqmaasuq usoo jeedisay Ra’isul-wasaaraha Malta Joseph Muscat oo ay sheegtay inuu ku lugleeyahay baasaboorrada Malta oo si sharcidarro ah looga iibiyo gudaha dalal kale sida; Azerbaijan.

Wiil ay dhashay saxafiyaddan oo la yiraahdo Matthew Mark John oo qoraal dheer kusoo qoray bartiisa “Facebook” ayaa sheegay in dilka hooyadii yahay mid ula kac ah, waxaanuu farta ku fiiqay iney hooyadii u dhimatay la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Inta aan la dilin ka hor 30 daqiiqo, ayaa waxay tiri : “Meel kasta oo aad eegto dad xun ayaa jooga.. xaaladdu mid aan loo dulqaadan karin ayay mareysaa.” Galizia waxay weerar ku qaadday hogaamiyeyaasha mucaaradka Malta, xaaladda siyaasadda waxay ku tilmaantay mid “Quus ah”.

 Ugu dambeyn, Daphne waxay gacanta ku haysay website ay si gaar ah u maamusho oo la yiraahdo “Running Commentery”, kaas oo soo jiitay akhristayaal farabadan oo u dhigma akhristayaasha warbaahinta kale ee Malta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close