DugsiyadaWararkaWaxbarashada

George Saunders oo ku Guuleystay Abaalmarinta Man Booker Prize ee 2017

Qoraaga reer Mareykan ee George Saunders ayaa ku guuleystay abaalmarinta Man Booker Prize, waana tan ugu qiimaha badan ee luqadda English-ka lagu bixiyo, waxaanuu ku helay ruwaayaddiisa cusub ee “Lincoln in The Bardo” uu buug ka qoray, waana sida ay ku dhawaqeen guddiga abaalmarinta oo fadhigoodu yahay London.

Saunders oo kasoo jeeda gobolka Texas da’diisuna tahay 58 jir, ayaa ka sare maray 5 buug-rawaayadood oo kale oo soo gaaray kama dambeysta tartanka abaalmarinta.

Buugiisan “Lincoln in The Bardo” ayaa ah mid si gaar ah uga hadlaya Abraham Lincoln’s wiil uu dhalay oo 11 jir ku geeriyooda, waana riwaayaddiisii ugu horreysay. Waxaa horey loogu yaqaannay qoraagan abwaanka ah sheekooyinka iyo maqaallada dhaadheer ee lagu faafiyo joornaallada.

Lula Yang oo ah madaxa guddiga abaalmarinta ayaa tiri: ” Qaabka ruwaayadda la iskugu dubariday, waxaa ka muuqda caqli badnaan iyo qoraaga oo taabanaya ruuxda qofka akhristaha ah.”

Saunders ayaa wax ka dhiga jaamacadda Syracuse ee caasimadda New York.

Ugu dambeyn, Abaarintan The Man Booker ayaa ah mid ka mid ah abaalmarinnada ugu qiimaha badan ee lagu bixiyo Suugaanta, waxay soo bilaabatay 1969-kii. Waxaana la socda qiimo lacageed oo gaaraya illaa 50,000 Euro ($66,000), tan ugu weyn ayaa ah in buugga ku guuleystaa uu helo iibsi baaxad leh oo qiimo farabadan ay uga soo xaroodaan qoraaga iyo shirkadda buugga daabacada labadaba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close