WararkaWaxbarashada

Gobolka Togdheer oo Markii Ugu Horreysay ay Arday ka Qalinjabisay ‘Masters degree’

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxaa ka qalinjabiyay ardaydii ugu horreysay ee tacliinta sare heerka labaad ee Masters ka qalinjabisa ee gudaha magaaladaasi.

Xafladdan oo si heersare ah loosoo agaasimayay, ayaa waxaa ka qeybgaleen wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, maamulka gobolka Togdheer, guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga Ucid, Salaadiin, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha jaamcadda Alpha faraceeda magaalada Burco, Prof. Cabdiqani Ibraahim Xasan, ayaa sheegay iney tahay markii ugu horreysay ee arday heer ka labaad ee Masters-ka ay ka qalinjabiyaan gobolka Togdheer, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Xafladdan waa qalinjabintii koowaad ee jaamacadda Alpha faraceeda magaalada Burco, taas oo ka kooban degree 1aad iyo Masters labada, wax weyn ayay u tahay Somaliland iyo gobolka Togdheer gaar ahaan iney markii koowaad ka qalinjabiyaan degree iyo Masters. Ardaydani waxay ka kooban tahay 146 arday, 34 ka mid ah waa Masters 112 ardayna waa degree 1aad, jaamacaddu waxay u taagan tahay kor u qaadidda waxbarashada gobolka.”

Si kastaba, madaxdii kasoo qeybgalshay xafladda ayaa bogaadiyay ardayda, waxaana ugu dambeyn abaalmarinno la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay jaamacadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close