arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal: Ilmayar oo Saddex Jir ah oo Mas Weyn La Socda!

In badan oo inaga mid ah way ka baqaan abeesada iyo maska marka ay maqlaan, xitaa haddii ay yar yahay, waa sidee xaaladdu marka meesha uu marayo Abeeso weyn oo dhirirkeedu yahay 6 mitir culeyskeeduna uu gaaray illaa 80Kg.

Jariidada “Daily Mail” ayaa faafisay sawirrada ilmayar oo farxad farabadani ka muuqato oo dusha ka saran Abeeso wayn oo ugu ciyaaraya sidii faraskii oo kale, iyadoo aaney wax cabsi ahi ka muuqan.

Jadiirada ayaa tiri, maskan waxa uu culeyskiisu gaarayaa  80Kg, halka dhirirkiisu uu yahay 6 mitir. Ilmahan yar ayaa maska ku ciyaarayay meel gurigiisa  ka agdhow, halkaas oo daaday ay ku soo rogmadeen, deegaankooda oo ku yaalla waqooyiga Vietnam ayaa waxaa daadadkaa ku naf waayay 54 ruux, waxayna dhibaateeyeen kumanaan guri.

Maandeeq FM

Related Articles

Close