WacyigelinWararkaWaxbarashada

6 Caado oo Fudud oo Maalintaada Ka Dhigaya Mid Wacan oo Waxtar leh

Waxaa la yiraahdaa qoraal waxaa laga eegaa cinwaankiisa…shay kasta bilowgiisu waxay markhaati ka tahay dhammaadkiisa, marka aad aragto wax maalinta bilowgeeda kaa xumeeya waxaad is leedahay tolow maalinta dhamaadkeedu siduu noqon karaa!..

Dhanaca kale, Marka aad maalinta ku indho furato warfarxad leh, maalintaas oo dhan waxay u badan tahay inaad faraxad iyo raynrayn ku dhameysato.

Hadaba, waxaa jira caadooyin fudud oo maalintaada ka qeybqaata iney noqoto mid waxtar leh, firfircoonina kuu horseedda, haddii aad u dhaqangeliso si maalinle ahna aad dareemayso farxad raynrayn maalintaada inta ka harsan, waxaa ka mid ah:-

1  .Naftaada u samee Caadooyin wanaagsan

Caadada ugu wanaagsan waa ee aad subxiii ku bilaabaneysaa waa quraac wanaagsan inaad cunto, ha dib dhigin xilli hore quraaco, labiskaaga si wanaagsan iskaga eeg oo uuga taxadar.

2   .Hortabinta howlaha

Wax kasta oo aad sameyn karto maalintaa qor , howluhu sida ay u kala horreeyaan u kala hormari. howsha ugu muhiimsan markasta hor-u-mari.

3   .Hal-shaqo xoogga saar

Waxyaabaha ugu daran ee howlqabadkaaga hoor u dhigaa inaadan howl badan isku furto,  marka aad wax qabaneyso dhowr shaqo ha isku korfurin, shaqo kaliya xoogga saar, taa markaad kasoo dhalaasho kadib u gudub shaqooyinka kale. caqiliga waxaa ku imaanaya daal farabadan markii fikrado farabadan ay isku kaa dhex furmaan, muhiimadda sii hal sheey isla wakhtigaagan kasoo dhalaal.

4   .Nasasho Qaado

Haddii arday tahay ama aad shaqaale tahay 50 daqiiqo ee howlqabad ahba sameyso 10 daqiiqo oo nasasho ah, si kasta oo aad u dadaal badan tahay caqliga waxaa ku yimaadda daal oo wuu daalaa aadane kastaa.

5   .Wakhtigaaga uga faa’ideyso si wacan

Wakhtiga firaaqada la yiraahdo ..waa wakhti aan nidaamsaneyn.

Waxaad sameysataa jadwal aad wakhtigaaga ku habeysato, maalintaa isku day inaad ku dhaqanto, marka kuugu dambeysa oo saacadah jadwalka ama aad hurdada isku diyaarinayso xisaabtan.

6   .Naftaada abaalmari

Naftaada abaalmarin sii mar kasta oo guulo muhiim ah aad gaarto maalin wanaagsan oo waxqabad lehna aad sameyso, taasi waxay keenaysaa in maalinta labaad aad si firfircooni leh howshii mid ka fiican inaad u qabato.

Ugu dambeyn,  Waxaa jira arrimo fudu oo aan moodeynno inaaney nolosheenna waxba ka tareyn, waase muhiim ah inaan ogaanno in caadooyinka yaryar ay sameeyaan guulo waaweyn oo aadan maleysan karin.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close