DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Falastiiniyad Ku Guuleystay Tartanka Akhriska”Arab reading Challenge” & Iskuulka al-Iman oo Noqday Kan Ugu Wanaagsan

Ardayadda la yiraah Cafaaf Ra’id Badhal oo kasoo jeeda Falastiin ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Arab reading Challenge” oo akhriska lagu tartamayay 2017, sidaad oo kale iskuulka al-Iman ee dalka Bahrain ayaa ku guuleystay iskuulka ugu wanaagsan dalalka Carabta ee sanadkan, xaflad habeennimadii xalay ka dhacday dalka Imaaraatka Carabta.

Tartanka ayaa kama dambeystiisa waxaa iskugu soo haray 16 arday oo wiilal iyo gabdhaba leh oo ku tartamayay Akhriska, halka 6 iskuul ay ku tartamayeen sidoo kale iskuulka ugu wanaagsan iskuulaadka Carabta ee sanadkan 2017. 16 arday ayaa kaso kala jeeday, Algeria, Bahrain, Oman, Palestine, Mauritania, Lebanon, Kuwait, Jordan, Sudan, Tunisia, Saudi Arabia, Morocco iyo UAE.

Ardaydan ayaa kasoo dhex baxay tartan ay bilowgiisii ka qeybgaleen, 7 milyan iyo 400 kun oo arday wiil iyo gabdhaba leh. Halka 41 kun oo iskuul oo ka dhisay 25 dal oo carbeed ay kama dambeystii soo gaareen Lix iskuul oo qura.

Iskuulka sanadkan kaalinta Koowaad galay ayaa helay abaalmarin lacageed oo gaaray 1milyan oo dollar.

Waxaa xusud mudan in mashruuca Arab reading Challenge ee tartanka akhriska uu yahay kan ugu ballaaran ee dalalka Carabta loogu tartamayo akhriska, waxaa aasaasay Sh. Maxamed binu Raashid, September 2015, ulajeedadiisuna waxay ahayd si loo helo jiil cusub oo ku hor-u-marsan dhincayada Akhriska aqoontana xiiso badan u haya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close