WararkaWaxbarashada

Imaaraatka oo Magacaabay Wasiirkii Ugu Horreeyay ee Artificial intelligence Aaladaha

Dowladda Imaaraatka ayaa ku dhawaaqaday Khamiista maanta ah in Cumar binu Suldaan uu noqdo wasiirkii ugu horreeyay ee Maskaxda automatic ah ee machine intelligence loo yaqaanno,  Isku shaandheyn wasaaradeed oo uu sameeyay madaxweyne ku xigeenka ahna ra’isul-wasaaraaha dalkaas ee al-Sheekh Maxamed binu Raashid.

Suldaan oo 27 jir ah ayaa waxaa magacaabistiisani noqoneysaa mid la jaanqaadeysa istiraatiijiyadda cusub ee Imaaraatka ee uu ku dhawaaqay Talaadadii al-Sheekh Maxamed binu Raashid, waana istiraatiijiyaddii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee Bariga-dhexe iyo dunida oo dhanba, iyadoo danta laga leeyahayna ay tahay in sare u qaadista adeegyada dowaldda.

Al-Sheekh Maxamed Binu Raashid ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray: “Maanta waxaan ku dhawaaqayaa wasiir-dowlaha waasaaradda  Machine intelligence(maskaxda computer-ka ee smarts), tartanka soo aaddan ee dunida waa Maskaxda smarts ka ah, waxaanan dooneynaa inaan si aad ah ugu diyaargarowno.”

Ugu dambeyn, qorshaha istiraatiijiyadeed ee dowladda Imaaraatka ayaa ah in sanadka 2021 ay gaaraan Mars oo ay dowaldaha ugu tunka way kula tartamaan hawada sare, waana sida ay qortay Sky News Arabia.

Maandeeq FM

Related Articles

Close