CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Robot Qalliin oo Ku Guuleysay Fulinta 150 Qalliin Culus ah

Dadka ka howlgala nidaamka robot-ka “Senhance” ah ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay sida heerka sare ee robot-ka uu shaqadiisa u gudanayo, kadib markii lagu fuluyay 150 qalliin si heersare ah u guuleystay.

Bayaan kasoo baxay shirkadda robot-ka samaysay ayaa lagu sheegay : “Maamulka cuntada iyo daawada Mareykanka waxa uu si rasmi ah rukhsaddii usiiyay robot-ka inuu gudan  karo howlaha qalliinka ah ee heerka sare u baahan feejignaanta xoogga ah iyo taxadarka dheeraadka ah, kadib markii la hubsaday inuu robot-ku u qalmo inuu galo qalliinada aaney gaari karin gacanta aadanaha amaba ay adag tahay in si caadi ah loo fuliyo.”

Qalliinada 150 ka ah ee robot ku fuliyay waxaa ka mid ahaa 45 qalliin caloosha ah, gaar ahaan xiidmaha yaryar oo uu ku fuliyay aadane, halka uu si heersare ah ugu guuleystay, isagoo ka dhakhsiyo batay wakhtiga qalliinka caadiga ah 30% marka loo barbardhigo qalliinada caadiga ah ee dhakhaatiirta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close