WararkaWaxbarashada

Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda “Utara Malaysia”: Bulshada Waan La Xanuunsaneynaa

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baratay jaamacadda Utara Malaysia “UUM”, ee waqooyiga dalka Malaysia ayaa muujiyay dareenkooda iyo sida ay uga xinyihiin Qaraxii naxariis darrada ahaa ee ka dhacay isgoyska Soobe 14 bishan October.

Cabdicasiir Farxaan Dhoomis oo ka mid ah hoggaanka arday Soomaaliyeed ee wax ka baratay jaamacadda Utara Malaysia ayaa sheegay iney dhibaatada la qeybsanayaana ummadda Soomaaliyeed, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waa dhacdo iyo Musiibo naxdin leh, bulshada Soomaaliyeed ayaan la xanuunsaneynaa, ardayda ku nool waqooyiga Malaysia waxay bulshada soomaaliyeed la wadaagayaan dhibka.”, waxa uu intaa sii raaciyay “Dhibaatada sida siman u gaartay bulshada Soomaaliyeed waxaan rajeynaynaa iney midnimo horseeddo.”

Ugu dambeyn, Qaraxii 14 bishan ka dhacay Gudaha Muqdisho gaar ahaan KM5, waxa uu ahaa mid dhibaatadiisu cid kasta ay taabatay waxaa ku dhinta 300 oo qof, tiro intaa ka badanna waxay ku dhaawacanta, dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay waxaa ka mid ahaa arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayay iskuulaadka iyo jaamacadaha kala duwan ee gudaha gobolka Benaadir.

Maandeeq FM

Related Articles

Close